Crypto Airdrop : waa maxay airdrop

(crytp airdrop) Airdrops waa cryptocurrency  bilaash ah oo lagugu siinayo marka aad  buuxiso sharudaha ay bixinayan cida airdropka bixinaysa sida inaad games ciyaarto ama inaad raacdo baraha bulshada ee ay leeyihiin oo aad soo daawato muuqaalada ay ka sameeyeen.

Taariikhda Airdrops-ka

(crypto airdrop)Airdrops-ku waxa ay taariikh ahaan la bilawdeen bitcoin, satoshi nakamoto markii u horeysay ee uu sameeyay bitcoin waxa uu cid walba oo qodata(mine) block-yadii Blockchain-ka aan soo sharraxnay ku siinayay bitcoin bilaash ah taas oo u noqotay meel ay ka dab-qaateen kooxaha Airdropska soo bandhiga.

Waxa fiiro gaar ah siisay Airdropska 2014kii markii Auroracoin ay tokens bilaash ah u qaybisay shacabkii Iceland taas oo u noqotay Airdrops lagu helayn qodasho(mining) ama gadasho.

Sida la sheego Airdropkii ugu weynaa ee abid la qaybsho waxa uu ahaa kii ay shirkadda Uniswap ay qaybisay taariikhdu marka ay ahayd 16kii September ,2020 oo lagu magacaabi jiray UNI, qiimo ahaanna tokens-ka la qaybshay ay u dhigmayeen $6.43B.

UNI waxa uu marka uu ugu qaalisanaa gaadhay qiimo dhan $42.88.

Airdropkii labaad ee ugu waynaa isna waxa uu ahaa Apecoin oo 17kii march, 2022 la qaybiyay kuna fadhiyay hanti ah $3.54B, meesha ugu sarreysa ee uu gaadhayna ay ahayd $23.63.

Noocyada Airdropska ( crypto airdrop)

Airdrops-ka noocyadoodu waa badan yihiin balse Laba ayaa ugu caansan.

1- snapshot-based Airdrops:- waxaa la siiya dadka token xajiya waqti cayiman, si abaal marin ahaan loogu siiyo daacadnimada ay muujiyeen muddada ay xajinayeen tokenka.

2- Task-based Airdrops:- adeegsadaha si uu u helo token-kan waxa looga baahan yahay inuu qabto shaqo noqon karta inuu dad ugu yeedho shirkadda, inuu raaco barahooda bulshada ama game ay soo saareen inuu ciyaaro.

Sidoo kale waxaa jira exclusive Airdrops oo la siiyo dad jaango’an oo ah kuwa mashruuca tijaabada galiyay.

Sida loo qaybsho iyo shuruudaha ku xidhan Airdropka

Airdrops-ka shuruudo kala duwan ayaa lagu xidhaa oo hadba shirkadda qaybinaysa ay samaystaan, balse waxaa ugu caansan

1- Activity-based criteria:- waa Airdrop lagu heli karo shardi ah inaad mar walba ku jirto platfrom-ka ay leeyihin shirkadda qaybinaysa, si aad uga qayb qaadato hawlaha la qabanayo iyo games-ka la ciyaarayo.

2- Geographic-based criteria:- waa Airdrop shirkaddu ay shardi ah dalka ay ugu talo gashay tokenka ay ku xidho adeegsadaha inuu joogo, waxaana tusaale u ah Auroracoin-kii aan kor ku soo xusnay.

Qaybinta Airdrops-ka waa mid lagu kala duwan yahay shirkadaha qaar adeegsadaha waxay si toos ah ugu diraan wallet-kiisa, halka qaar kale ay ku amraan adeegsadaha inuu ka helo Centralised exchanges-ka uu lacagtiisa ku kaydsaday.

Airdrop-yadii hirgalay waxaa ka mid ah
  • Auroracoin
  • Uniswap (UNI)
  • Bitcoin cash(BCH)
  • Stellar (XLM)

 pi network waa airdrop ugu fiican 204 ilaa 2025. article ayaan ka qoray halkan ka daawo. https://jeexgeel.com/waa-maxay-pi-network-company/

🎁 Ku biir Tartanka JeexGeel!

Ku Guuleyso $50 hadyad bille ah!

👉 Ka qaybgalka waa fudud yahay : geli magacaaga iyo Gmail-kaaga.
🏆 Guuleystaha waxaa lagu dhawaaqaa 15-keeda bil kasta.

We’ll never send you spam or share your email address.
Find out more in our Privacy Policy.

Similar Posts

  • Waa Maxay Pi Network ?

    Waa Maxay Pi Network:  waa mashruuc cryptocurrency ah oo ujeeddadiisu tahay in loo oggolaado dadka isticmaala inay macdan qodaan oo ay kasbadaan lacag dhijitaalka ah iyagoo isticmaalaya taleefannada gacanta ee isticmaalka tamarta ugu yar. Waxa la soo bilaabay 2019, shabakadu waxay diiradda saartaa samaynta cryptocurrency aadna u heli karaan dhagaystayaasha pi network meelkasta aduunka ka joogaan….

  • MILLARDS BUSINESS MODEL

    Millards waa madal ganacsi oo ku shaqeysa tiknoolojiyada blockchain, oo ujeedadeedu tahay in dadka si sahlan loogu abuuro dakhli iyada oo loo adeegsanayo nidaamyo heshiisyo caqli leh (smart contracts). Waa nidaam hufan, daahfuran, oo aan lahayn maamul dhexe (decentralized), kaasoo loo aasaasay in bulsho wada-shaqeyn ku saleysan ay horumariso dakhligeeda. Millards Business Model Ujeedada Loo…

  • Waa maxay Nordom Gates airdrop?

    Nordom Gates waa madal GameFi ah oo qayb ka ah nidaamka ballaaran ee Nordom, kaas oo diiradda saaraya daahfurka goob cusub oo lagu sarrifo cryptocurrency. Mashruucan wuxuu leeyahay nidaam dhibco (points) oo isticmaaleyaashu ku heli karaan Nordom Points iyagoo dhammeystiraya hawlo kala duwan, tartamo, iyo isdhexgal bulsho. Astaamaha Ugu Muhiimsan ee Nordom Gates : Faahfaahinta…

  • ka faaidayso airdropka nodepay 2024-2025

    Nodepay waa shabakad ka shaqeysa bixinta bandwidth-ka decentralized ee loogu talagalay tababarka AI. Iyadoo la isku xidhayo shabakadda Nodepay, waxaad iibin kartaa internet-kaaga aan la isticmaalin shirkadaha AI, taasoo ka caawineysa in si hufan loo wareejiyo xogta tababarka dadweynaha, calaamadaynta, wadaagista moodalka, iyo tababarka fog. Airdrop-ka Nodepay Nodepay waxay wadaa ololaha airdrop ah si ay…

  • Pi Network Airdrop iyo Sida Loo Qaybqaato

    Pi Network Airdrop waa mashruuc lacagta dijitaalka ah oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay ku qodaan lacagta Pi iyagoo isticmaalaya taleefannadooda gacanta. Pi Network Airdrop wuxuu ka mid yahay istaraatiijiyadda koritaanka ee mashruuca, iyadoo la siinayo lacagta Pi bilaash ah dadka ka qaybqaata. Maxay Tahay Airdrop-ka Pi Network? Pi Network Airdrop wuxuu ku lug leeyahay bixinta…

  • Waa Maxay Eazybot

    Waa Maxay Eazybot? waa company kaaga shaqaynaya suuqa crptocurrency si fudud adigoo hurdana lacag kuu samaynaya. eazybot waxa uu gadaa xidhmooyin ropotyo ah kuwaas oo aad ku xidhan karto coinka aad doonto, wuxuu ku shaqaynayaa starateygyada DCA STRATEGTY. uma baahnid khibrad badan ood uleedahay crpto da, waa website aad ufudud oo cidkasta isticmaali karto. Eazybot waa meel ami…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *